Afgooye(INO)-Maamulka gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in dib u heshiisiin loo sameeyo beelo walaalo ah oo dhawaan gobalkaasi ku dagaalamay.
Gudoomiyaha gobalkaasi Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in hadda ay wadaan qaban qaabo xoogan oo ku aadan isku keenidda beelahaan dagaalamay.
Degmada Afgooye ayuu sheegay in dhawaan gogol nabadeed ay ka furmi doonto, islamarkaana wasiiro ka socda maamulka Koonfur Galbeed ay halkaasi horay u tageen si ay u indha indheeyaan halka shirka lagu qabanayo.
Gudoomiye Siidii ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobalka Shabeelaha Hoose ay yihiin dad jecel nabadda, islamarkaana dhibaatada jirta ay gadaal ka riixayaan dad siyaasiin ah.
“Siyaasiinta Labada Bee lee dagaalada kasoo abaabulaya meelaha banaanka ka ah gobalka waxaan leeyahay joojiya oo dadkiina ka naxa, shacabka waa beeraleey jecel in nabad ay ku shaqeystaan, laakiinse waxa socda siyaasiin ayaa wada” ayuu yiri Siidii.
Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada AMISOM ay kaalin ka qaateen sidii ay u damin lahaayeen colaada ka jirtay gobalkaasi, iyo sidoo kale in la’isku dayo kala qaadista maleeshiyaadka dagaalamay.
Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal beeleed sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, hase ahaatee waxaa mudooyinkii dambe socday dadaalo lagu soo afjarayo colaadda jirta.
Idale News Online, Afgooye.