Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka da’ay roobab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada waxaa saakay dhex ceegaga biyo ay dhigayn roobka kuwaasoo meelaha qaar saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadidka.
Sidoo kale roobabka waxa ay saameyn ku yeesheen qoysas badan oo ku nool goobaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.
Waxaa la arkayay qoysas badan oo guryahooda ay biyo buux dhaafiyeen ama ay qaateen wixii cooshadaha ay lahayaeen.
Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka jiray kuleel xad dhaaf ah oo saameyn ku yeelatay qoysas badan.
Dadka ayaa xilliyada habeenka jiifan jiray banaanada guryaha oo kuleyl dartiis ayey siddaas u sameeyeen.
Idale News Online,Muqdisho.