Soomaaliya oo Noqotay Meesha Ugu Hooseyso oo Hooyo Ku Noolaato Ee Dunida.

0
204

Hayad Gargaar oo saldhigeedu yahay magaalada London ayaa ku qiyaastay 800 oo hooyo iyo 18.000 oo caruur ay ku dhintaan dunida maalin kastaa, iyadoo ay jiraan sababo kala badan. 
Ku dhawaad seddex meelood dadkaasi ayaa la sheegay inay ku dhintaan galbeedka iyo bartamaha qaarada Africa, halka qeybta kale ay ku dhintaan koofurta Qaarada Asia, sida ay hayada ay sheegtayna dadkaasi ayaa sii kordhaya sanadka kastaa.

Hayada ayaa isla ber berdhigtay 178 wadan oo dunida ku yaala, iyadoo loo eegay caafimaadka hooyada, dhimashada caruurta, waxbarashada, heerka dhaqaalaha haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasada.

Dalka Soomaaliya ayaa noqday meesha ugu hooseysa liiska caalamiga, iyadoo ka hooseysa dalka Jamhuuriyada Africa-da dhexe, waxaana sanadkaan meesha ugu hooseysa galay dalalka Niger, Mali iyo Guinea Bissau.

“Layaab malahan in 10-ka meel ee ugu adag ay hooyo ku noolaato sanadkaan ay qeyb ka noqdaan dalalkaan soo sheegnay, dhamaantood waxay leeyihiin dagaal colaadeed”sidaasi waxaa tiri Jasmine Whitbread oo ah masuul ka tirsan hayada badbaadada caruurta ee Save the Children.

“Hooyooyinka ugu saboolsan waxaa heysta dhibkooda mana u kala baxsanaha dalalka saboolka ah iyo kuwa taajirka”sidaasi waxaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Hayada fadhigooda yahay dalka UK.

Seddex sano ka hor dalka afganistan ayaa ahaa meesha ugu qatarta badan oo ay hooyo ku noolaato, laakiin iminka waxay gashay qeybaha dhexe iyadoo ay ugu wacan tahay horuminta iyo jarida geerida caruurka iyo adeegyada caafimaadka hooyada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in inka badan 60 milyan oo caruur ah ay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo.
Kuwa ugu hooseya marka laga tago qaarada Africa ayaa lagu sheegay dalalka Heyti iyo Papua New Guinea iyo yemen.

Waa kuwan todonka wadan ee dunida ugu wanaagsan inay hooyo ku noolaato.

1 – Finland
2 – Norway
3 – Sweden
4 – Iceland
5 – Netherlands
6 – Denmark
7 – Spain
8 – Germany
9 – Australia
9 – Belgium

Tobanka wadan ee ugu hooseeya oo ay hooyo ku noolaato

178 – Somalia
177 – Democratic Republic of Congo
175 – Mali
175 – Niger
173 – Central African Republic
172 – Sierra Leone
174 – Guinea-Bissau
171 – Nigeria
170 – Chad
169 – Ivory Coast.

Animated-Flag-Somalia

Idale News Online.