Iyadoo Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheikh Axmed Maxamed uu gaarey heerkii ugu sareeyey, ayaa xildhibaanada kala taageersan waxay bilaabeen dadaalo iska soo horjeedo oo qoloba tan kale ay dooneyso iney kaga adkaato.
Gudoonka Barlamaanka oo shirar gooni gooni ah la kala yeeshey labada dhinac, ayaa sheegay in la baajiyey mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaaraha,
Arrintaani ayaa loo sababeynayaa ka dib markii gudoonka barlamaanku arkey in aysan waxba ka jirin tiradii 140 xubnood ee ay sheegeen xildhibaanadii taageersanaa Madaxweynaha, iyadoo in badan oo liiskaasi ku jiray ay sheegeen in saxiixooda laga been abuuray halka kuwa kale oo gaaraaya 15 xubnood ay maalin ka hor u dhoofeen Nairobi balse cadeeyeyn inaysan iyagu taageersaneyn mooshinkaas,
Joobjooge ku sugnaa kulmadii ay gudoonka la kala yeesheen xildhibaanadii iska soo horjeeday oo u waramayey idalenews.com ayaa xaqiijiyey tirada ra’iisada diidaney ee soo xaadirsan kulanka iney ahaayeen 53 xildhibaan halka kuwii taageersanaa ra’iisul wasaaraha oo iyagu aad uga badnaa ay ahaayeen 126 xubnood, taasoo meesha ka saartay sheegashadii 140 xildhibaan ee iyagu gudbiyey mooshinka looga soo horjeedey Ra’iisul Wasaare Abdiwali Sheikh Axmed.
Isku soo wada duuboo, Madaxweyne Xasan ayaa waxaa soo wajahey guul daro siyaasadeed oo aad u weyn iyadoo ay garbahiisa ka baxeen xildhibaano badan oo iyagu la safnaa ama u balanqaadey iney buuxin doonaan tirada mooshinka lagu ridaayo R/wasaaraha, sidoo kale Madaxweynuhu ayaa waxaa uu waayey taageerada beesha caalamka iyagoo Madaxweynaha u sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin haddii xildhibaanada isagu taageersan ay ridaan Ra;iisul Wasaaraha.
Ilaa iiyo hadda ma cada halka uu khilaafkan sal dhigan doono, hase ahaatee waxaa la hubaa in guul darada siyaasadeed ee uu Madaxweyne Xasan lugaha la galey iay fursad siin doonto Ra’iisul Wasaaraha iyo barnaamijka xukuumadiisa ee ku aadan higsiga 2016.
Idale News Online, Mogadishu