Salaad Cali Jeele oo horey xildhibaan iyo wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga dowladihii kmg ahaa ka soo noqday ayaa si aad u dhaliiley hay’ada amniga qaranka isagoo sheegay in dadka laynaaya shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada u xilsaarey amniga dalka ay magaalada isla degan yihiin balse hay’adaha amniga awood u laheyn inay aqoonsadaan oo ay soo qabtaan dadka falkaasi amni daro ka wada magaalada Muqdisho. Waxuu dowlada ku eedeeyey in aysan jeclayn in talo lagu sugaayo amniga qaranka weydiiso saraakiisha aqoon u leh ee gudaha dalka iyo dibadiisa ku nool
Dhageyso Salaad Cali Jeele oo wareysi siiyey mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee magaalada Muqdisho [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/SalaadJeele.mp3]
Idale News Online