Dhageyso: Dil duleedka degmada Buur Hakabo loogu geystay 7 oday dhaqameed oo ku sii jeedey Muqdisho

0
238
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/buurhakaba.mp3|autostart=yes]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in 7-oday dhaqameed oo ka mid ahaa odayaasha soo doortay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow Maxamed in lagu dilay meel toddobo km u jirta magaalada Buurhakabo ee gobalka Bay.

Raggan odayaasha ah ayaa la sheegay in lagala dagay baabuur ay la socdeen iyagoo marayay galabta abaare 4:00pm Buundada Buurkabo, waxaana dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, siddaas waxaa goordhow VOA u sheegay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka Buurhakabo Cali Xasan Cabdi.

Wuxuu sheegay in raggan ay dileen Al-Shabaab kaddib markii ay keeneen deegan lagu magacaabo Jameecada oo u dhow Buurhakabo, wuxuu sheegay in la toogtay iyagoo ka xiran indhaha, hal nin ayaa ka badbaaday kaasoo dhaawac ah kaddib markii ay gaareen goobta ayuu yiri.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa kaloo uu sheegay in meydka 7-da oday dhaqameed loo soo qaaday magaalada Buurhakabo qofka kale ee dhaawaca ahna la geeyay isbitaalka magaalada.

Mar la weydiiyay cidda dishay raggan, wuxuu sheegay in ay dileen Al-Shabaab oo halkaas dadka iyo gaadidka ku dhaca sidda uu yiri.

JawaariBaydhabo2

Waxaa kaloo la weydiiyay halka u socdeen odayaasha iyo meesha ay ka yimaadeen, wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka Buurhakabo in ninka dhaawacan uu ku yiri Muqdisho ayaan ka nimid waxaana u soconay Dowlow.

Ilaa hadda ma cadda raggan cidda dishay, hase ahaatee degmada Buurhakabo waxa ay ka mid tahay degmooyinka dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Idale News Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here