Dhageyso: Prof. C/raxmaan Baadiyow ayaa yiri: “dowladdaan wax isbedel ah ma keenin, waxay hoos uga dhacay heerkii la joogey ee dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha & Ganacsiga”

0
207

Siyaasiga Prof. C/raxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay mid ka mid ah Idaacaddaha magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gebi ahaan ku guul dareysatay in ay wax ka qabato Rajadii iyo yididiiladii shacabku ay qabeen.

[audio:http://waamonews.com/wp-content/uploads/2013/07/Waraysi-Baadiyoow.mp3]

BAADIYOW

“ dowladda haatan wax isbedela ma keenin , waaayo waxaa meeshii ay joogeen hoos uga dhacay dhinacyada Amniga , dhaqaalaha iyo Ganacsiga” sidaasi waxaa yiri Prof Baadiyow.

Siyaasiga ayaa dhanka kala ka hadlay warbixin ay soo saareen Kooxda la socodka Xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eretria ee ka dhan aheyd Madaxda dowladda Soomaaliya , isagoo carabka ku dhuftay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay marqaati ka yihiin in weli waxba aanu iska bedelin Musuqmaasuqii ka jiray dalka.

Sikastaba hadalka Siyaasiga Prof: Baadiyow ayaa waxa uu imaanayaa xilli Maalmihii dambe uu aad u liitay ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ah Xarunta dalka Maadaama ay ka dhacayeen falal liddi ku ah Nabad gelyada oo aysan waxba ka qaban Hay’adaha Ammaanka dowladda.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia