UPDATE: Kulamadii Siyaasadeed Ee Muqdisho Oo soo Dhamaaday+ Akhriso Qadobadii Ka Soo Baxay

0
203

Muqdisho(INO)- Kulan dheer oo ilaa xalay usocday Madaxda dawladda Soomaaliya ayaa goor dhaw ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho, waxaana kulankan oo udhaxeeyey Madaxda Siyaasada Soomaaliya looga hadlayay sadex qodob oo muhiim ah oo kala ah amaanka, Mideynta ciidamada, Hiigsiga 2016-ka iyo Hanaanka Siyaasada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa usheegay Warbaahinta  in kulamadan oo dhan guul laga gaaray, isla markaasna Warsaxaafadeed ka soo bixi doono Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.

Qodobada ay soo saareen Madaxda dawladdu, iskuna afgarteen in ay noqdaan kuwa ay warbaahintu baahinayso ayaa noqday sida soo socota.

  • In la joogteeyo kulamada noocaan ah, ee looga hadlayo mustaqbalka dalka, madaxda dawladduhuna ay isku wareysanayaan.
  • In cod mideysan ay ku hadlaan Madaxda Soomaaliyeed, hadii ay timaado qadiyad ka timaada dhinac ka baxsan Soomaaliya, iyadoo laga dharagsan yahay arrimaha siyaasadeed ee dunida.
  • In laga wada shaqeeyo mideynta cududa dawlad gobaleedyada iyo dawladda Soomaaliya, gaar ahaana dhanka ciidamada.

Dhamaanba qodobada ka soo baxay Madaxda dawladda ayaa ah kuwa hordhac ah, goor dhawna ayaana lasoo saarayaa qodobada oo dhameystiran.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here