Kulankan maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Waxana soo xaadiray kullankii maanta ay yeeshen mudanayaasha Baarlamaanka soomaliya 184 Mudane.
Ajandaha kulanka maanta ayaa waxaa uu ahaa heshiiskii dhinaca gaashaandhigga oo ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyo in warbixin laga dhageysto xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka oo dhawaan howlo shaqo u aaday dalka koonfurta Suudaan.
Shir gugdoonka maanta ayaa waxa uu cod u qaaday heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca gaashaandhigga ku saabsan, waxaana guddoonku uu ku dhawaaqay in xildhibaanada badankood ay taageereen heshiiska, sidaasina uu ansax ku yahay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta,isagoo shegay in heshiiska ay ogolaadeen 170 mudane waxaa diiday 14 mudane halka ay kaa aamuseen 3 mudane sidaas ayuuna ansax ku yahay.
Dhinaca kale waxa iyana warbixino laga dhagaystay xildhibaano dhawaan howlo shaqo utagay wadanka Koonfurta Suudaan,waxana ay sheegen in ay kulamo laqaaten soomalida kunool wadankaasi gaar ahaan jaaliyada soomaliyeed ee kunool magaalada Jubba ee caasumada dalka koonfurta Suudaan.
Idale News Muqdisho