Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta booqday Taliska ciidamada xoogga dalka ee Villa Baydhabo, halkaasoo uu kulan looga hadlayay dib u dhiska ciidanka iyo amniga la qaatay saarkiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kullankan oo ahaa mid Saxaafadda dibada ka joogtay ayaa wuxuu Madaxweynaha kala hadlay saraakiisha ciiddamada sidii loo hormarin lahaa tayada ciidamada xoogga dalka iyo amaanka dalka, wuxuuna Madaxwweynaha uu warbixino ka dhageystay saraakiisha sare ee xoogga dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kullanka uu la qaatay saraakiisha ciiddamada uu kala hadlay sidii uusan hubku uga bixi lahayn gacanta ciidanka dowladda maadaama buu yiri Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka.
“Caalamku hal sano ayuu Soomaaliya tijaabo geliyay dhanka qunuqabateynta hubka, marka waxaan saraakiishiina idiin sheegayaa in hubka uusan gacmihiina ka bixin” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la sameeyay sharci cusub oo lagu sugayo ammaanka guud ee dalka, isla markaana aan loo dul-qaadan doonin wixii hadda ka dambeeya in isbaaro la dhigto, in hubka lala dhexmaro magaalada iyo in shacabka dhibaatooyin loo geysto, isagoo ugu digay ciidamada dhibaateynta shacabka, kuwii lagu helana sharciga lala tiigsan doono, isagoo tilmaamay in maxkamadda lala geyn doono sarkaalka xukuma.
Wuxuu madaxweynaha soo hadal qaaday musuqmaasuqa saadka ciidamada iyo mushaaradkooda, isgaoo sheegay in wax lagu tilmaamo aan la garanayn in sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga uu musuqmaasuqo mushaaraadkii ama saadkii ciidamada loogu talogalay.
“Waa wax aan loo dulqaadan karin in ciidamada dowladda ee ku sugan meelo fog-fog oo looga horjeedo cadowga in aanu gaarin raashinkii loogu talogalay,” ayuu madaxweynuhu ku yiri saraakiishii uu la kulmay oo uu si adag ula hadlay maanta.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay adkeeyaan amaanka dalka, isla markaana ay u turaan shacabka ay madalaan.
Idale News Muqdisho