Somaliland oo sheegtay in 500 ciidan oo maamulka Khaatumo ka goostay ay isu dhiibeen Somaliland

0
214

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ku guuleysteen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Khaatumo inay ku soo biiraan, kadib heshiis ay la gaareen beel degta deegaanka Fiqi fuliye oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

somaliland

Wafdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji ayaa shir kula yeeshay deegaanka Fiqi Fuliye odayaal iyo waxgarad deegaanka, kuwaasoo ugu dambeyn heshiis gaaray.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wada hadalada nabadeynta ee deegaanka ka dhacay uu ku dhamaaday is afgarad, isagoo ka dhawaajiyay in ciidamo gaaraya shan boqol askari iyo 13-tikniko ay ku soo biireen Ciidamada Somaliland.

Mr Cukuse ayaa sheegay in ciidamada ku soo biiray la qarameeyay, isla markaana ay ka mid yihiin ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Somaliland ayaa horay ugu dhawaaqday inay nabadeyn ka bilaabeyso deegaanada bari ee Sanaag, iyadoo tiro dhowr jeer wafdiyo u dirtay.

Maamulka Khaamtumo ee lagu aas aasay Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa u muuqda mid kala sii dhantaalamaya, iyadoo Golaha wasiirada Somaliland ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka oo uu ka mid yahay Hogaamiyihii Jabhadii SSC Suleymaan Xagla-toosiye oo iminka ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland