Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulan Xasaasi ah ku lahaa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirka Wasaarada Amaanka Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya iyadoona kulankaasi la isku dayay in loo diido Saxaafad.
Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dalbaday in Saxaafada Banaanka loo saaro inta uu socdo Kulanka Baarlamaanka balse waxaa arintaasi ka soo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaa fakan kara sir ku aadan Dowladda Federaalka Soomaaliya marka looma baahna in Saaxafada ay wax badan ka ogaadaan Siyaasada ama Siraha Dowladda u qarsoon” sidaasi waxaa yiri Wasiir Guuleed.
Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa iyana dood iyo qeylo ka keenay arintaasi iyadoona Xildhibaanada qaar ay sheegeen in Saxaafada ay ka shaqeeyaan Wanaaga Soomaaliyeed islamarkaana aan loo baahneyn in dibada loo saaro.
Muran, Dood iyo Qeyblo kadib waxaa Cod gacan taag ah loo qaaday Saxaafada in dibad joog ama goob joog ay ka ahaadaan Kulanka waxaana suuro gashan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyeen Saxaafada in aysan Banaanka u bixin.
Ugu dambeyn, waxaa intaasi kadib bilaawday Su’aalo weydiintii Wasiirka Wasaarada Amaanka Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed taasi oo ku aadan amaanka Dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.