Anaga oo ah golaha odayaasha dhaqanka beesha jiiddo waxaan si weyn u diidan nahay una cambaareyneynaa qoraal been abuur ah oo la sheegey in beesha Jiido ay raali gelin ku bixisay, isla markaana lagu aflagaadeynayo go’aan qaadashada saxda ahayd ee madaxweynaha ku xigeenka labaad ee dowladda koonfer galbeed Ing. Maxamuud Xuseen Caliyow Ibraw uu ka qaatey siyaasadda shacabka lagu khaldayo ee aan xamaasadda dhaafsiisneyn.
Qoraalkan lagu daabacay qaar ka mid ah websiteyada Soomalida ayaa wuxuu ahaa mid dano gaar ah laga leeyahay, waxaana ka dabmbeeyey shakhsiyaad dano gaar ah ka leh qoraalkan aflagaadada xambaarsan.
Majirto wax urur aqoon yahano ah oo ku abtirsada beesha Jiido oo ka horyimid go’aan qaadashada lagama maarmaanka ah ee madaxweyne ku xigeenka ee ku aadaneyd siyaasadaha madhaleyska ah ee lagu jahwareerinayo shacabka koonfur galbeed isla markaana lagu khaldayo beesha caalamka.
Beesha Jiido waxay si weyn u taageersan tahay siyaasadda saxda ah ee uu qaatey madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowladda koonfer galbeed Ing. Maxamuud Xuseen Caliyow Ibraw waana halyey go’aan qaadasho leh oo ku dayasho mudan.
Waxaan mar labaad cambaareyneynaa qoraalaka lagu soo daabacay websiteyadaas ee aflagaadada xambaarsan iyo cidda kadambeysey qoraalkaasi,waxaan qoraalkeena ku cadeyneynaa ineysan waxba ka jirin raali gelinta la sheegey in beesha Jiido ay bixisey.
Beesha Jiido raali gelin kama bixin, wareysiga madaxweyne ku xigeenka,mana ka bixin doonto go’aan qaadashada saxda ah ee madaxweyne kuxigeenka labaad ee dowladda koonfer galbeed, Ing. Maxamuud Xuseen Caliyow Ibraw oo uu ku bedeley siyaasadda madhaleyska ahayd ee lagu
daalinayo shacabka koonfur galbeed soomaaliya.
Ing. Maxamuud Xuseen Caliyow Ibraw, ka sokow xilka uu u hayo shacabka koonfer galbeed soomaaliya, waa hogaamiye siyaasadeed oo ay beesha
jiiddo leedahay.
Mahadsanidiin
Af-hayeenka Golaha Guurtida Beesha Jiiddo
Nabaddoon Cabdiqani Caliyow Ibraw Talaasow
cumarxuseen10@hotmail.com
Xigasho: Markanews.net
Idale News Online.