Kismaayo (INO) –– Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ka Mid ah Nabaddoona Gobolada Jubooyinka ayaa waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu ku tumanayo Xaquuqda dadka shacabka ah ee Goboladaasi deggan.
“Axmed Madoobe wuxuu xasuuqi karo wuu xasuuqay, Maleeshiyadiisa waxay Dumar kufsan kareen way kufsadeen, Dowladda Federaalkana wali way ka aamusan tahay Dhibaatooyinkaasi ka socda Kismaayo, wayna ku taageertay, waayo MD Xasan Sheekh 100 Jeer baan la kulanay oo arrimahaasi kala hadalnay, waxna kama qaban,” ayuu yiri Suldaanka.
Suldaanka ayaa waxaa uu ka hadlay awood qeybsiga xubnaha Baarlamanka Axmed Madoobe, kaasi oo uu ku tilmaamay inuusan ahayn mid Soomaali leedahay, oo Dad u dhashay Kenya & Eithiopia ay yihiin dhamaan Xildhibaanada.
Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ku tilmaamay mid ay ka danbeeyaan Urur Goboleedka IGAD iyo Axmed Madoobe, iyadoo MD Xasan Sheekh uu yahay Qof aan xaqa taageerin oo Dulmiga ku taageeray Axmed Madoobe.
Waxuu sheegay in ay Xadgudub tahay in dad ka yimid Ethiopia iyo deegaanada Puntland qaataan Saamigii ay lahaayeen Beelaha dega jubooyinka iyo Gedo.
Idale News Online, Kismaayo