Dhaca Soomaalida Koofur Africa oo Faraha ka Baxay

0
273

Durban (INO) – Wararka laga Helayo qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in dhaca Soomaalida Dalkaas joogta Hantidooda lagu hayo uu Faraha ka baxay, wallow uu yaryahay qasaaraha Nafeed ee loo geysanayo, marka loo fiiriyo African-ka kale ee dalkaas jooga oo hadda uu heysto dhibkii ugu Xoogganaa.

Teaser Image Dhaca Soomaalida Koofur Africa oo Faraha ka Baxay

KwaZulu Natal oo ka mid ah Gobollada Dalkaas ee waaweyn Soomaaliduna ku Badantahay, waxaana Halkaas la sheegayaa in lagu dilay dad badan oo African ah, kuwaa oo uu ku socdo Howlgal ka dhan ah dadka Ajaanibta ah ee Dalkaas jooga.

Soomaalida Magaalada Durban ayaa sheegay in aysan Shaqeyn Muddo ku dhow 2 Todobaad, waxayna taas u Sababeynayaan Dalkaas oo aan hadda aheyn mid iska daa in lagu shaqeeyee xataa in lagu Noolaado ama lagu Safro.

Soomaalida Koofur Africa ayaa dhibaato daran la Kulmi jiray Horraanba, waxayna Madowga dalkaasi si aan Arxan laheyn u dileen Soomaali badan, haddase kaliya Soomaalida maahane, dhibta ayaa wada heysata dhamaan dadka aan Dalkaas u dhalan, dhankooda dadka Sameynaya Rabshadaha oo Dalkaas u dhashay iyagana waa la Dilaa oo ma Badbaadaan.

Boolisku waa ay Daallanyihiin oo Habeen iyo Maalinba waxaa ay isku deyayaan in ay Xaaladda dejiyaan, balse waxaa hadana ay ku Guuleysan la’yihiin in ay wax uu ka Bedelaan Xaaladda, Dowlado ay ka mid yihiin Nigeria iyo Malawi.

Malawi, Mozambique, Nigeria iyo Angola ayaa Markiiba ka Jawaabay Xaaladda dadkooda lagu wax yeeleynayo, waxayna Dowladahaas qaarkood Billaabeen in ay dadkooda la baxaan halka kuwo kale oo ay ka mid tahay Mozambique ay digniin Adag Saareen Dolwadda South Africa, Mozambique ayaana Korontada oo inta Badan Dalkeedu siiyo Koofur Africa sheegtay in ay ka Jareyso, haddii Muwaadin dalkeeda u dhashay lagu dilo Weerarka daran ee Ajaaniibta lagu hayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan kaalin Muuqata ka qaadan ka Hadalka Arrinta Soomaalida Dalkaas Joogta, marka laga reebo Safaaradda Dalkaas noogu taal oo sheegtay in Qofkii raba in uu Dalka kusoo Laabto ay ka Taageereyso, Soomaali badan ayaa hadda galay oo ku Laabtay Xeryo horay ay Dowladda Dalkaasi ugu tala gashay oo Nabad gelyadooda lagu Ilaalinayo.

Idale News Online – Durban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here