Dhageyso:Odayaasha KGS oo U Diyaar Garoowey Xulista baarlamaanka KGS

0
219

Baydhabo(INO)-Odayaasha dhaqanka ee gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wali isku haya qeybinta xubnaha baarlamaanka ee Maamulkaas, xili ay mudooyinkii udambeeyey magaaladaas joogeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Soomaaliya.

odayaal

Odayaasha ayaa dhawr jeer kulamo ay yeesheen aysan ka soo bixin wax natiijo ah, markii laysku qabsaday qaabka loo qeybsanayo tirada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha gobalka Shabeelada Hoose ayaa diidey tiro loo qoondeeyey gobalkaas, waxa ayna sheegeen in aysan aqbali doonin tiradaas, ayna doonayaan in ay ka badsadaan labada gobal ee kale, taas oo ayana diideen Odayaasha labada gobal ee kale.

Dadaalo ay wadeen Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada dhamaad ku dhaw, waxaana aan jirin natiijo wanaagsan oo laga gaarin arrimaha xulitaanka baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka Odayaasha gobaladaas ayaa muujiyey rajo wanaagsan oo ay ka qabaan in ay dhawaan soo bandhigaan sida loo qeybsaday baarlamaankan, isla markaasna ay dhawaan soo xuli doonaan shaqsiyaadka ka mid noqonaya baarlamaanka cusub

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here