Ardayda Jaamacadaha Kenya Oo Lagu Eedeeyay In Ay Lacag Ka Qaataan Ururka Alshabaab

0
211

 Nairobi(INO)— Agaasimaha xarunta ka hortagga argagaxisada dalka Kenya Isaac Ochieng ayaa ku eedeeyay ardayda waxbarashada sare dalka Kenya inay ku biirayaan ururada argagaxisada.

Mr Ochieng ayaa sheegay in ay heleen magacyada qaar ka mid ah ardayda ku biirtay Al-shabaab iyo Al-Qaeda ee mushaarka ka qaadato.

“Aad ayay u sii kordheysaa ku biirista iyo qaadashada tababarada ay bixiyaan ururada argagaxisada iyadoo weliba argagaxisadu ay ardayda firfircoon qoranayaan,”ayuu yiri Mr Ochieng isagoo warbixin siinayay kulan ay yeesheen guddiga uu madaxda u yahay.

“Waxaan haynaa xog ah in arday wax ka barata Jaamacada University of Nairobi inay mushaar ka qaataan Al-Shabaab taasina waa mid aad laga xumaado.”ayuu sii raaciyay Ochieng.

Madaxa ka hortagga argagaxisada dalka Kenya ayaa ka digey in hay’adaha sirdoonka ay soo bandhigi doonaan ardaydaas

Warkan ka soo yeeray dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya bilo kadib markii arday hore ugaga baran jirey cilmiga sharciga uu noqday qofkii hogaaminayay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday jaamacada Garissa oo lagu diley dad gaaray 148 ruux.

Mohammed Abdirahim Abdullahi oo ardayda ay isku fasalka ahaayeen ugu yeeri jireen Ababmo ayaa ahaa wiil uu dhalay caaqilka deegaanka la yiraahdo Bulla Jamhuri oo ka mid ah Mandera.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here