Daawo+Dhageyso:Barakacyaal Soomaaliyeed OO Ku Dhibaateysan Gudaha Kaamka Tawakal Ee Duleedka Baydhabo Ee Gobolka Bay

0
239

Baydhabo(INO)-Boqolaal  Qoyasas Soomaaliyeed ah oo  Ku Nool  Kaamka Tawakal Ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Ku dhibeysan Gudaha Kaamkaasi kuwaasoo isuga jira kuwo Ka Soo naqodey Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya iyo Kuwo Ka Soo barakacey Colaada iyo Noolal Xumada Ka Taagan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Ee Gobolka Bay.

Barakacyaashaan ee  Ku jira Kaamka Tawakal Ee Baydhabo oo u badan Dumar iyo Caruurta  liita ayaa waxay Sheegeen  inay waayeen Daryeel Bini’aadanimo, iyadoona lagu Guda Jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxay Idale News Online  la kulantay dad  u badan haween Iyo Caruur da’yar oo  La daala dhacayo Soo saarista Noolal Maalimaadkooda, iyadoo dadkan ay maalin walba burburiyaan Dhagxaata Jaayga ah ee Laga dhiso Guryahaha, isla markaaana waxay sheegeen in Naftoodu ay ku maareynayaan.

Xaalada nololeed ee dadka barakacyaasha ah Ee Ku Kaamka Tawakal Ee Baydhabo ayaa u muqataa mid  aad u Liito, Isla markaana ilaa iyo iminka ma jirto wax gurmad ah oo ay barakacayaashu helaan marka laga reebo kuwa si gaar ah isku xilqaamay oo ka damqaday dhibaatada haysata qoysaska danyarta ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dadkaani waa dad dan yar ah, waxay cayrsadaan Guryo laga Sameeyey Cooshash iyo Baco, ma helaan adeeg caafimaad, waxaa ku yar helitaanka biyaha nadiifta ah iyo musqulaha, Waxayna  ka codsadeen DFS,  hay’addaha samafalk iyo dad  kale  ee wax haysta inay Gurmad Deg deg ah la soo gaaraan.

Ugu dambeyntii, Wasaaradaha Arimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafadda iyo tan Dib u dajinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan war ka haynin Xaalada Barakacyaasha Ee Degaandda Koonfur  Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso, Wariyaheena Maxamed Aadan Wadani Ayaa Warbxintan  Ka Soo Direy Magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here