Muqdisho(INO)—Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta la kulmay safiirka dowlada Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgan Barka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta wabaahinta Soomaaliya iyo sidii safaaradda ay u caawin laheyd wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay safaaradda howsha ay ka hayso dalka oo ah mid aad u baxaad leh isla markaana shacabka Soomaaliyeed mahadnaq ballaaran uga hayaan walaalaha Turkiga taageerada ay siiyeen dalka Soomaaliya.
Olagan Berka danjiraha dowladda Turiga u fadhiyaya Soomaaliya ayaa bogaadiyay howsha ka socata caasimada Soomaaliya iyo guud ahaan dalka, isagoo sheegay in la xoojin dooono xiriirka labada dhinac. Danjiraha ayaa sidoo amaanay howsha warbaahinta Soomaalida sida ay u tabiyaan horumarka ka jira dalka.
Agaasimaha Tvga qaranka Soomaaliyeed iyo xariirka saxaafadda Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka socotay wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay In Tvga qaranka uu xarun ka furto wadanka Turkiga si uu uga shaqeeyo xariirka dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya, iyadoo dalka Turkiga ay ku sugan yihiin arday badan oo Soomaali ah kuwaas oo u baahan meel ay kala hadlaan umadda Soomaaliyeed.
Safiirka dowlada Turkiga ayaa soo dhoweeyay qorshahan waxana uu ku tilmaayay mid wanaagsan sida ugu dhaqsiyaha badana ay safaaradda ay ka shaqayn doonto sidii loo hirgelin lahaa qorshahaas.
Taleefishinka Qaranka sntv ayaa bilihii la soo dhaafay waxa wuu waday dardar xoog leh oo ku aadan sidii tvga u noqon lahaa mid la tartami kara taleefishinada caalamka, waxana laga furay magaalada Muqdisho xarumo casri ah oo uu leeyahay tvga.
Idale News Online, Muqdisho