AMISOM oo sheegtay inay bur burisay goob Shabaab qaraxyada ku sameyn jireen

0
170

Kismaayo(INO)- AMISOM ayaa sheegtay howlgal ciidankooda ay qaadeen in lagu bartilmaameedsaday goob Ururka Al Shabaab ay ku diyaarin jireen waxyaabaha qarxa, islamarkaana guud ahaan goobtaasi la bur buriyay.

Howlgalka oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa Amisom waxa ay sheegtay ciidankooda inay gacanta ku soo dhigeen 7 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo goobta ku sugnaa.

Amisom ayaa sidoo  kale waxa ay ku sheegeen bartooda twitter-ka inay la wareegeen hub isugu jira rasaas iyo hub kaleba oo lagu haayay goobtaasi ciidanka howlgalka gaarka ah ay ka fuliyeen.

Inkastoo aysan sheegin magaca deegaanka rasmiga ah ee howlgalka uu ka dhacay, hadana Amisom waxa ay warkooda ku soo koobeen in howlgalkaasi uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo oo Al Shabaab ay ku sugnaayen.

Dhinaca kale Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay iska caabiyen ciidamo isugu jira Mareykan iyo kuwa Amisom ah oo weerar ku qaaday Saldhig ciidankooda ay ku sugnaayeen.

Al Shabaab waxa ay sheegteen qarax miino oo ay u dhigeen gaadiid ay saarnaayen ciidamada Amisom iyo kuwa Mareykanka inuu ka dhashay Khasaare soo gaaray ciidamadaasi.

Ilaa hada ma jirto ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ciidamada Amisom ay ku qaadeen duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.