Maxkamad ku taal Jazeerada Seychelles oo dambi ku weyday dhalinyaro Somaliyed

0
182

Seychelles(INO)- Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles,ayaa laashay xukun la doonayay in lagu rido 5 Dhallinyaro Somali ah oo lagu eedeeyay in ay burcad badeedda Somaliya ka tirsan yihiin.

Dhalinayaradan ayaa 2011-kii waxaa gacanta ku dhigay markab laga leeyahay dalka France oo kaashanayay mid kale oo laga leeyahay Japan kuwaas oo ku sugnaa Xeebaha Badweynta Hindiya.

Garsooraha Maxkamadda Sare ee Seychelles ,Francis MacGregor,ayaa sheegay in raggaasi aan loo heyn caddeyn ku filan oo lala xiriirin karo in ay ka tirsan yihiin Burcad Badeedda Somaliya,waxaana uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celiyo dalkooda.

Bishii June ee sanadkan ayaa lagu xukumay 12 Sano oo Xabsi ah o ay ku xukuntay Maxkamadda dhexe ee dalkaas,markaas oo racfaan ay ka qaateen kadib Maxkamadda sare ku weysay dambiga loo heystay amartayna in lagu celiyo Somaliya.

9 Qof oo kale oo horay loogu waayay Dambiga Burcad badeednimada ayey sidoo kale Seychelles sheegtay in lagu celiyay
Somaliya,waxaana ay intaa ku dartay in tirada Burcadbadeedda ee Xabsiga dalkaasi ay aad u yaraadeen hadda.

Xabsiyada Jazeeradaasi waxaa ku xiran Somali badan oo xukuno kala duwan lagu riday, kuwaasi oo intoda badan eedeyntooda ay tahay arimaha la xiriira Burcad badeednimada.