Nana Akufo-Addo oo ku guuleystey doorashadii Madaxweynaha

0
178

ACRA(INO)- Madaxweynaha dalka Gaana Mahama ayaa qirtey in doorashadii looga adkaadey oo ay guushu raacdey Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Akufo-Addo.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Gaana Nana Akufo-Addo ayaa ku guuleystey doorashadii dalkaas, waxaana uu si weyn uga guuleystey Madaxweynaha hadda talada haya ee John Mahama, sida ay ku dhawaaqdey guddoomiyaha guddiga doorashada Charlotte Osei.

Akufo-Addo ayaa helay codadkii la dhiibtey 53.8% halka Madaxweynaha hadda xilka haya uu helay 44.4%.

“…..Waa masuuliyadeyda iyo waajibaadka isaaran in aan ku dhawaaqo Nana Akufo-Addo in uu yahay Madaxweynaha la doortey ee dalka Gaana……” ayey tiri Charlotte Osei.

4672dd83302540b484edbe88f3d27008_9

Dadweyne aad u badan ayaa isugu soo abxay dariiqyada magaalooyinka waaweyn kuwaas oo u dabaaldegaya guusha Akufo-Addo.

Madaxweynaha la doortey ee dalka Ghana nana Akufo-Addo ayaa sheegay in uu soo wacay Madaxweyne John Mahama uu uu ugu hambalyeeyey guusha raacdey.

Dalka Gaana ayaa kamid ah dalalka yar ee qaarada Afrika ku yaala kaas oo ay ka dhacdo doorasho xor iyox alaal ah.