AMISOM Oo Maanta Heshay Askari Kaga Lumay G/Sh/Hoose

0
219

Marka(INO)-Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay maanta helayn mid ka mid ah askartooda, oo Sabtidii ay waayeen, xilli dagaal culus ay Ururka Al Shabaab kula galeen meel ku dhow Garoonka Balli-doogle.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa dagaal dhowr jiho leh Sabtidii ku soo qaaday Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah Amisom, xilli ay marayeen wadada Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoogaga Shabaab oo dhexda u galay Ciidamada Burundi, ayaa waxay taasi keentay in Ciidamadu ay kala firdhadaan, waana midda ka dambeysay in askarigu uu lumo.

Askariga oo watay laba qori, ayay Ciidamada Amisom ogaadeen in goob gaar ah uu ku sugan yahay, waxaana suurta gashay in isla maantaba ay ka soo kaxeeyan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta, ayaa  sheegay inaanay doonayn inay sheegaan goobtii uu askarigu ku dhuumaaleysanayay.

Al Shabaab waxay sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay ugu yaraan shan ka mid ah Ciidamada Burundi, laakiin Amisom waxay iyadu qiratay in saddex keliya looga dilay dagaalka.

Dagaalka labada dhinac ku dhex maray aagga Balli-doogle, ayaa ahaa midkii ugu xooganaa ee sanadkan ku dhex mara Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkaasi waxa uu saamayn ku yeeshay dadka deegaanka.

Idale News Online, Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here