Ciidan katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen Fariisimo ciidanka Dawlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Degmada Belad Xaawo ee Gobolka Gedo.
Weerarka ayaa waxa uu isku badalay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona khasaaro xoogan uu soo kala gaaray ciidanka dagaalamay.
Saraakiil katirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa waxay sheegeen inay khasaaro xoogan ugeysteen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.
Faah faahino weli lagama helin Saraakiisha ciidanka dawlada ee kusugan Gobolka Gedo gaar ahaan degamda Buula Xaawo oo ay kaga hadlayaan dagaalkii xalay ka dhacay halkaasi.
Idale News Online,