Dhageyso: Jawaari oo looga digay in xilkiisa waayi doono haddii Mooshin Madaxtooyada ka socdo la keeno golaha

0
185

Xili ay jiraan Warar sheegaya in Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan Mooshin Kalsoonida lagala laabanayo Wasiirka 1-aad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa Mooshinkaasi hadii Gudoonka Baarlamaanka loo gudbiyo sheegay in iyagana ay Mooshin ka keenayaan Gudoonka Sare ee Baarlamaanka.

Xasan & Jawaarey.

Xildhibaanada oo Shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Hadalkii Danjire Nikolas Kay,hadalkaas oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid Runta taabanaya,iyadoona Kay uu horay u sheegay in ay jiraan Xildhibaano lacago ku badalanaya Mooshin laga wado Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Halkan Ka Dhageyso

Xildhibaan Cabdi ladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay in hadii Mooshin Sharci daro ah laga gudbiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay dhankooda gudbinayaan Mooshin ka dhan ah Gudoonka sare ee Baarlamaanka.

Dhanka kale haweeneyda wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan dhanka Africa oo la soo xariirtay xafiiska gudoonka barlamaanka ayaa u sheegtey in walaaca jira ee musuqmaasuqa gudoonku uusan wax lug ah ku yeelan, iyagoo sidoo kale ku baaqey in qoraalkii Nicholas Kay uu yahay in caddeystiisa wata isla markaasna loo dhega nuglaado.

Arrinta ayaa u Muuqata in Baarlamaanka uu u kala jabay Labo dhinac oo kala Taageersan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho