Madaxweyne Xasan oo culeys siyaasadeed ka soo wajahay Beesha Caalamka & Gudaha dalka lagana yaabo in loo jeediyo inuu xilka iska casilo

0
200

Ka dib markii jawaab aan loo meel deyin uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Somalia Ambassador Nicholas Kay, waxaa kulan degdeg ah magaalada Nairobi ku yeeshay wakiilo ka socda Midowga yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobey kuwaasoo ka arrinsadey sida loo afjari lahaa khilaafka soo noqnoqdey ee madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

KayCulYul


Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in kulankaasi fariin adag loogu diray madaxweyne Xasan, taasoo loogu sheegaayo in uu ogolaado go;aanka isku shaandheynta golaha wasiirada sharuud la’aan maadaama isku-shaandheynta uu Ra’iisul Wasaaruhu sameeyey aysan ka hor imaaneynin Dastuurka iyo Xeer hoosaadka barlamaanka midna, isla markaasna uu la shaqeeyo Ra’iisul wasaare beesha caalamku taageersan tahay ee C/wali Sheikh Axmed Mohamed si loo dardargeliyo howlada kala guurka.  Madaxweynaha ayaa durbada bilaabey inuu ka cago jiido fariinta dalalka deeqaha baxsho, waxuuna ku adkeysatey go’aankii uu ku diidey isku shaandheynta golaha Wasiirada.

Wararka ay caawa (4 Nov.2014) laga helaayo magaalada Nairobi oo ay fadhiyaan wadamada ku howlan arrimaha Somalia, ayaa sheegaayaa in la baajiyey wafdi aadi lahaa Muqdisho si ay martiqaadka shirka Copenhegan loo gaarsiiyo madaxda dowlada federaalka hase ahaatee khilaafkaan dartiis ayey uga baaqsadeen in ay la kulmaan Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay oo idalenews.com ay heshay waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheikh loogu baaaqay inuu is casilo maadaama uu ku kashifmey Siyaasadiisa iyo Wada shaqaynta Beesha Caalamka, lama sheegin meesha soo jeedinta iscasilaada ay ka timid laakiin waxaa naloo xaqiijiyey in Xaalka Madaxweyne Xasan Sheikh uu aad uGu xun yahay, beesha caalamkuna ay u aragto inaysan la shaqeyn Karin..

Idale News Online, Nairobi.