Al-Shabaab oo sheegtay Weerarkii Xalay ee Magalada Boosaaso

0
288

Muqdisho(INO)-War lagu Daabacay Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay  in Weerarkii Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ay Masuuliyadiisa leeyihiin Al-shabaab.

alshabaab

Shabaab ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku qaadeen Guri uu dagan yahay Taliye Kuxigeenka Ciidamada Puntland Muxuyadiin Axmed Muuse islamarkaana ay ku dileen ilaa 4 Askari sida Warka Al-shabaab lagu sheegay.

Ciidamada Al-shabaab ee Puntland ku sugan ayaa Weerarkii Xalay Fuliyay  waxaa ay doonayeen in ay Qaarajiyaan Muxuyadiin Axmed Muuse oo ah Taliye Kuxigeenka Ciidamada Puntland”ayaa lagu yiri Al-shabaab.

Weerarka ka dhacay Magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa la sheegay in uu ku dhintay Hal Askari oo Ciidamada Puntland ah,iyadoona Kooxdii Weerarka soo qaaday laga Dilay Hal Qof mid kalena Nolosha lagu qabtay asagoo Dhaawac ah.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here