Bakool: Sicirka Raashinka oo kacay iyo Dadka oo ka cabanaya

0
202

Xudur(INO)-Sicir barar aad u darran ayaa ka jira Gobolka Bakool gaar ahaa Magaalo Madaxda Gobolkaasi ee Xudur kadib markii Al Shabaab ay go’doomiyeen  Magaalooyinka Gobolka.

Xudar Hadama

Wariyaha Idale News Online ee Magaalada Baydhabo Cabdinuur Mayow  ayaa soo sheegaya in go’doominta ay sababtay in raashinka ganacsi uu yaraado, iyadoo ganacsatada ay dhankooda kor u qaadeen qiimaha wax lagu iibsado.

Faadumo Maxamuud oo ka mid ah Dadka ku nool Bakool ayaa sheegtay in dhibaato adag oo dhinaca nolosha ah ay ka dhalatay Sicir bararka, iyadoo codsatay in Dowladda ay arrintaani wax ka qabato.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ku guuleysan inay furto Wadooyinka soo gala Magaalooyinka Bakool.

Idale News Online, Xudur.