Al-shabaab oo Odayaal ku Xiray Degmada Xarardheere.

0
221

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Odayaal ku Xirxiray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana la sheegay in Odayaashaa ay gaarayaan ilaa iyo 5 Oday.

Teaser Image Al-shabaab oo Odayaal ku Xiray Degmada Xarardheere

Waxaa la sheegay in Al-shabaab Odayaasha ay ku Amreen in ay Dhiibaan Xoolo iyo Lagaco ay ku sheegeen  Sakawaad.

Rooble Max’ed Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Degmada Xarardheere ayaa u sheegay warhaahinta  in Dadka Al-shabaab ay Xireen uu ku jiro Adeerkiis oo 82 Sano jir ah.

Rooble ayaa sheegay in ay Al-shabaab Dacwo ugu tageen  kana Codsadeen in Odayaasha ay Xireen la siidaayo laakiin ay kabiya diideen Dalabka Shacabka Al-shabaab.

Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa  Goobaha ay ka Arimiyaan Dalka waxaa ay ku dhibaateeyaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku hoosnool.

Waxaana Dadka Shacabkaa ee Soomaaliyeed  Al-shabaab ay Baneeysteen Dhiigooda iyo Xoolahooda intaba.

Idale News online – xaradheere.