Mo Farah oo rikoor cusub dhigay (Sawirro+Video)

0
194

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee haysta dhalashada dalka Britian ayaa rikoor cusub u dhigay Qaarada Yurub, kadib markii uu shalay ku orday 1500m 3:28:81 daqiiqo, tartanka Diamond League ee magaalada Paris.

Mo Farah oo ku orday 3:28:81 daqiiqo ayaa ka dhigeysa inuu jabiyay Rikoorkii Orodka 1500m ee la jabin wayay 28kii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo uu horay u dhigay Orodyahanka reer Ingiriis Steve Cram oo ku orday ahaa 3:29:67.

Orodyahanka u dhashay dalka Kenya ee lagu magacaabo Asbel Kiprop ayaa kaalinta koowaad ka galay Mo Farah tartankii shalay ee Diamond League, wuxuuna ku orday orodyahankan reer Kenya ugu guuleystay Mo Farah 3:27.72 oo uu ku orday Asnel Kiprop.

Mo Farah wuxuu ku guuleystay Olombikada Londan orodka 10.000 iyo 5.000, taasoo kor u qaatay sumcadiisa iyo tan Britian.

Halkan hoose ka daawo

[vsw id=”Mgm9HtsTN-0″ source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho