Xilli galinkii dambe ee shalay goor ay cad ceedu sii dhaceysay ayaa waxaa magaalada beydhaba ka dhacay labo qarax,waxaa ugu horeyntii bam gacmeed ayaa lagu weerarary goob ay ku shaaxayeen dad shacab ah iyo wariyaal gobolkaasi ka howlgalay,intaas ka dib waxaa goobta ku yaacay dad fara badan oo u gurmanayay dadka ay waxyeeladu gaartay daqiiqado ka dib waxa isla goobta hadana lagu qarxiyay gaar la sheegay in uu meesha yaala.
Agaasimaha cusbitaalka magaalada beydhaba Mudane cabdullaahi aadan Wareysi uu siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay tirada dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyay Cusbitaalkaasi.
Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in cusbitaalkaasi la gaarsiiyay dad qaba dhaawacyo kala duwan kuwaa oo gaaraya ilaa 40 qofood oo ay ku jiraan saxafiyiin 7kamid ahna dhaawacyada ay cusbitaalka ku geeriyoodeen ,waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada caafimaad dad ku dhaawacmay weerarkii magaaladasi ka dhacay.
Agaasimaha ayaa waxaa uu inta ku daray in dhaqaatiirtu ay ku mashquulsanyihiin baxnaaninta bukaanada,isagoona eebe uga baryay in caafimaad taam ah uu siiyo shacabka ay waxyeelada soo gaartay.
ilaa iyo hada majirto cid sheegatay masuuliyadii weerarkii dadka shacabka ah lagu beegsaday ee ka dhacay degmada beydhaba,magaalada beydhaba loogama baran falalka noocaan oo kale ah.
Idale News Online, Baydahbo