Madaxweynaha Dowlada KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan Oo Tacsiyeyay Qaraxyadii Baydhabo Ka Dhacay.

0
178

Maxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaliya shariif xasan sheikh aadan oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.

Shariif xasan

Shariif xasan sheikh aadan oo sii wata wareysiga uu siyay idaacadda simba ayaa waxaa uu sheegay in ay qaraxyadaasi ka danbeyaan dad uu ku tilmaamay wax ma garato.

Madaxweyne shariif xasan shiikh aadan ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan dadkii  halkaasi ku geeryooday eheladooda iyo qaraabadooda waxuuna eebe uga baryay in uu janadii ka waraabiyo.

Qaraxyada ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay aya ilaa haatan in la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 10 ruux oo ay ku jiraan wariyayaal ka shaqeynayay T.V.yada kalsan iyo Somali channel  iyadoo dadka dhaawaca ah uu  gaaraayo 30 qof   bilaawgii  sanadkaani ayey aheed markii maqaaxidaani lagu qaaday werar kan la mid oo ay ku dhimteen dad faraban.

Idale News Online, Baydhabo