Maamulka Xamar Jajab oo Amaanka Walaac ka Muujiyay

0
286

 Maamulka Degmada Xamar Jajab ee Muqdisho ayaa sheegay in uu ka Walaacsanyahay Amaanka degmada, ka gadaal Markii ay Ciidamo ka wada Tirsan Dowladdu Shalay Gelinkii dambe ku dagaallameen.

Teaser Image Maamulka Xamar Jajab oo Amaanka Walaac ka Muujiyay

Gudoomiyaha degmadaas Axmed Cusmaan Dhoorre ayaa sheegay in Maamulkisu uu aad uga Walaacsanyahay Amaanka Degmada, Dowladda iyo Maamulka Gobolka ayuuna ugu Baaqay in Amaanka Degmadiisa ay soo Farageliyaan.

Gudoomiye Dhoore ayaa dhanka kale ka Hadlay Dagaalka ku saabsan Dekadda Muqdisho oo Hadii aan Xal laga gaarin uu sheegay in Amaanka Degmadiisa ay Halis ku Tahay.

Shalay is Rasaaseyn ka dhacday Degmada Waxaa ku dhintay Laba Askari oo ka Tirsanaa Dowladda, sidoo kalena mid ayaa ku dhaawacmay iyo Haweeney Shacab ah oo Goobta ku Ganacsaneysay.

Idale News Online, Muqdisho