NEWS Madaxweyne Qoorqoor Oo Si Deg Deg Ah Ugu Laabtay Magaalada Dhuusamareeb

0
15

Idale news (INO): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa caasimada dalka ee Muqdisho waxana tegitaankiisa Dhuusmareeb ka dambeysay kadib markii magaalada Guriceel ay maanta la wareegeen maleeshiyo taabacsan ururka Ahlu Sunna

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ntii uu ku sugnaa Muqdisho waxaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen gobolka Galgaduud ururka Ahlusuna iyagoo u suurtogashay inay qabsadaan magaalada Guriceel.

Waxaa soo baxya baaqyo kala duwan oo la xiriira in wadahadal lagu dhameeyo xiisada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.