Xog hoose:Teliyaha Hogaanka Dabagalka NISA Gedo lagu wareejiyey

0
330

Hardankii u dhaxeeyey DF iyo maamulka Jubaland ee Gobolka Gedo ayaa waji cusub galey kadib markii DF kuwereejisey ciidanka Gedo, Teliyaha Hogaanka Dabagalka Col. Cabdullahi Dheere oo laheyb ah madaxweynaha maamulkaasi Axmed Islaam.

arintan ayaa imaanaysa xili lasheegey in uu xildhibaan usharaxan yahay Cabdulahi kulane Jiis oo gobolka Gedo kacanta ku hayey.

ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in madaxweyne farmaajo uu amar ku bixiyey in lagu wareejiyo teliyahan gebi ahaanba ciidamada kusugan gobolka Gedo ee ka amar qaata DF.

Cabdullahi dheere ayaa lasheegey in uu si weyn uga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Jubaland wuxuuna qeyb ka ahaa Dagaalkii Barre Hiiraale iyo Axmed madoobe ku dhexmarey Magaalada kismaayo.

Sargaalkan oo kooxda Alshabaab katirsanaa iyo Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lasheegey in ay kala hadleen alshabaab Hogaamiyihii dooxada Jubalad Barre Hiiraale oo looga itaal roonaadey Magaalada Kismaayo arintaas oo lasheegey in Alshabaab ay aqbashey fariisan ciidana siisey barre hiiraale.

Cabdulahi dheere ayaa lasheegey in uu soo gudbin jirey saanada ciidan  Barre Hiiraale kula dagaalamayey Axmed Madoobe walow dagaalkaasi looga adkaadey Barre Hiiraale.

sargaalkan ayaa lagu eedeeyey in uu laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan wuxuuna inta badan ugaarsadaa dadka ka ra’yiga duwan.

Arinta yaabka leh ayaa ah in ninkan uu yahay shaqsi ahaan qof lamoodo miskiin isagoona aad u ilaaliya xogahiisa hoose in la ogaado waxaana lasheegey in uu kamid ahaa shaqsiyaadka dilalka ugu badan geestey inta uu katirsanaa Alshabaab.

khubarada Amaanka falanqeeya qaar ayaa qaba sababta Sargaalkan DF hada ugu wereejisey in ay tahay in ay kala dhantaasho awooda Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe halka qaarkalana ay qabaan in Sargaalkaan yahay calooshii ushaqeystey aan lagu beer laxowsan karin arin Qabiil oo sida ay tahay u fuliya amarkasta.