Gudoomiyihii Degmada Buulo burde oo xilka laga qaaday iyo maamulka Hiiraan oo ka hadlay

0
277

Buulo burde(INO)-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in xilka laga qaado gudoomiyihii degmada Buulo burde ee hiiraan Cabdicasiis Duuroow.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo isbadal dhanka maamulka ah madam Buulo Burde ay tahay caasimada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji ayaa sheegay in sababta xilka looga qaaday gudoomiyihii Buulo Burde iyo duqii degmadaasi ay tahay in wax laga bedalo amniga iyo sidoo kale siyaasada degmada.

Dhawaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa xilka qaaday gudoomiyihii magaalada Buulo Barde iyo duqii Buulo Burde Cismaan Geedi Raagge

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera