Dhageyso: Dowladda oo sheegtay in waqti dheeri ah lagu daraayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa

0
232

Muqdisho(INO)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo cusboonaysiinayo heshiis ay wada gaareen dowladda Soomaaliya Hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR iyo dowladda Kenya.

Waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay taasi tahay muhiim si go’aan looga gaaro arinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskii saddex geesoodkla ah ee ay kal hore kala saxiixdeen dowlaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCR uu ku egyahay bisha November, isla markaana ay qorsheynayaan sidii muddo kordhin loogu sameyn laaha..

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte qaalib oo la kulmay madax ka tirsan hay’ada UNHCR ayaa sheegay in in ay ka wada hadleen sidii loo soo cusboonaysiin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya, dowladda Kenya iyo hay’ada UNCHR.

W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera