DEG DEG Ciidamo la wareegay degmada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

0
171

Warhadda kusoo dhacay  oo ay Heshey Shabakadda Idale News Online  ayaa sheegay in ciidamo badan ay saaka la wareegeen gacan ku heynta degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay degmada Marka ay ka tirsan yihiin ciidamada guutada Shanaad iyo lixaad ee dowlada Soomaaliya.

Habeenimadii xalay dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow iyo Buufow halkaasi oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa magaalada xoog looga saaray maleeshiyadii muddo haysatay ee xiriirka la lahayd Al-Shabaab, oo dad badan magaalada ku dilay maalmihii ugu dambeeyey.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamo cusub saaka lagu arkayo magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gabi ahaanba degmada laga saaray ciidamada maamulkii halkaasi ka ariminayay.

Xaalada degmada Marka ayaa ah saaka mid cakiran waxaana adag in la qiimeeyo sida xalada ay tahay.

Ku dhawaad 8 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

breakingIdaleNews

Idale News Online, Marka. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com