Xukuumada Soomaliya oo Beenisay Khilaafka u Dhaxeya Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha.

0
207

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hortimid inuu khilaaf ka dhex-taagan yahay raysul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud,kaddib markii dhawaanahan ay soo baxayeen warar ku saabsan inuu jiro khilaaf labadan mas’uul soo dhex-galay.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa shaaca ka qaadey inaysan jirin wax khilaaf ah oo xilligaan ka dhex-jira madaxweynaha iyo raysul wasaaraha,wararka khilaafka ka hadlayana waxaa uu ku sheegay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

..”””Anigoo ku hadlaya afka xukuumadda waxaan idiin caddeynayaa inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Labada mas’uul waxay si dhow oo wadajir ah mar kasta ugu taagan yihiin u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed,balse warbaahinta qaar warka ay baahinaya waa kuwo aan sal iyo raad lahayn,..””ayuu afhayeenku xukuumadda Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji C/weli,waxaa kalo uu beeniyo in isku-shandheeyn lugu sameyn doonno golaha wasiirrada,waxuuna markale sheegen inay wararka yihiin been abuur.

Xasan-Sheekh-iyo-Ra’iisul-wasaarihiisa

Dhinaca kale,warar laga soo xigtey madaxweynaha iyo raysul wasaaraha waxaa lugu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeyay ayna ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Horey waxaa loo sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya labada mas’uul, kaasoo ka dhashay isku-shaandheyn la doonayo in dhawaan lagu sameeyo golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya,balse xilligan waxaa la sheegay inay wararka  jirin.

Idale News Online,Muqdisho.