XOG XASAASI AH: CIIDANKA ILAALADA SHACABKA NISA OO LAHOOS GEEYEY HOGAANKA DABAGALKA SIYAASIYIINTA

0
329

Ilo xog ogaal ah oo aan ka helnay Saraakiil sarsare oo katirsan Hay’ada NISA ayaa xaqiijiyey in Ciidanka Ilaalada Shacabka loo yaqaano ee hoostaga NISA lahoos geeyey Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta NISA.

sraakiishan oo diiday in magacooda xigano ayaa sheegay in ciidanka ilaalada shacabka la hoos geeyay hoggaanka cusub ee dabagalka Siyaasiyiinta oo u taliyaha ka yahay Col Abdullahi Dheere oo ah nin ka uu madaxweyne Farmaajo u xilsaaray shaqada dabagalka iyo lasocdka Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta mucaaradka ah.


Ciidanka ilaalada Shacabka ayaa lasheegey in uu u diyaarsan hab maleeshiyaad oo dharcad ah laakiin ku hubeysan Hubka fudfudud (bastoolado iyo Ak-47), waxayna u howlgalan sida Dagaal yahanada Alshabab.

Saraakiishan ayaa tibaaxey in laga soo min guuriyay nidaamka Alshabab ee loo yaqaano Fursaan alxisba, Ciidankaan ayaa lasheegey in ay u howl galaan qaabka amniyaadka Alshabaab waxaa adag in lakala saaro khaarijinta ay sameeyaan maadama ay aad ugu dhow yihiin Dagaal yahanada Alshabaab.

Arintaan ayaa keeni karta shirqoolada ay sameeyaan ciidanka Ilaalada Shacabka in loo saariyo markasta Alshabab, maadama aan la kala saari Karin waxaana loogu tala galay in qofki la rabo lagu khaarajiyo tuhmadana Alshabab lasaaro.

Teliyaha Hogaamiya Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta ayaa saraakiishu sheegayaan in uu yahay ninka 2aad ee ugu dhow Madaxweyne Farmaajo kuna aaminey howshaan waxaa keliya kasareeya Teliyaha NISA Fahad yaasiin.

Teliyahan ayaa lasheegey in uu heesto dhalasho Qarian ah kasoo jeedaa kelinka shanaad ee soomalidu degto.

lama oga Xiligan waxaa kusoo beegey dhismaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta hase yeeshe dadka amniga ka faalooda ayaa aaminsan in ladoonayo in lagu caburiyo siyaasiyiinta ka aragti duwan Madaxda dowlada.