JILIB: MADIXII AMNIGA DIBADA ALSHABAAB OO LAKHAARIJIYEY.

0
329

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in lakhaarijiyey Madaxii Amniga Dibada Dhaqdhaqaaqa Alashabaab.

Duqeyn xoogle oo ka dhacay degmada ayaa lagu soo waramayaa in lagu Dilay saraakiil sar sare kuwaas oo bartilmaameed u ahaa howl galkan oo ay isla kaashadeen sirdoonka soomaaliya iyo Mid kamid ah Dowladaha reer galbeedka sida ay noo sheegeen saraakiil katirsan wardoonka soomaaliya.

weerarkan diyaaradeed ayaa lagu diley 4 xubnood oo muhiim u ahaa Alshabaab sida ilo xog ogaal ah aan kasoo xiganey waxaana kamid ahaa Sargaal sare oo lagu magacaabo Abu Sufiyaan ayaa lagu sheegey in uu ahaa Madaxii Amniga Dibada Xarakada.

Xiliga ay duqeyntu Dhaceysey ayaa lasheegey in shir ugu socodey Guri uu lahaa mid kamid ah amiirada dhintey.

dad goob joogayaal ah ayaa sheegey in ay maqlayeen deryanka rasaasta culus waxaana jira burbur hanti shacab sida ay warka udhigeene.

wixii kusoo kordha dib ayaan idinla socodsiin doona.