Xog: Safarka Wasiirka koowaad Ee DF soomaaliya Magaalada Kismaayo Muxuu Ku Qotomanaa?

0
235

Socdaalka Wasiirka koowaad ee magaalada kismaayo ayaa la xaqiijiyey inuu arinta ugu weyn ay ahayd arimo dhaqaale gaar u ah isaga, weligiina uu kutaamijirey hirgelintiisa maadaama uu meelo kala duwan uu horey uu ugu soo qeyb qaatey sida jabuuti, Somali-land iyo puntland, kan Muqdishana ay qeyb ka dhex soo duseen ganacsato xiriir la leh kuwa puntland, waxaana uu bankiga islaamka la taliye ugu ahaa xagga dhankaas gaar ahaan meelaha laga maalgashan karo ee geeska afrika.

Intii uu joogey kismaayo waxa uu kula kulmey xubno kala duwan oo ganacsato iyo wakiilo kasocda kuwa maalgashiga kusameynayo mashruuca MAXJARKA KISMAAYO, waxaana heshiiskaa dhexmarey ganacsato uu PM dhankiisa u matalayey oo dahaar looga dhigey iyo Axmad Islaan Axmad Madoobe oo maamul ahaan u saxiixey iyo shirkadaha howshaas fulineysa, waxaa kaloo goob jooge ka ahaa howshaas xubno IGAD ah oo saaxiibo ay yihiin PM oo iyaguna danaynaya howshaas.

Mahamed Abdi Afet iyo Cwali sheekh

Heshiiska ayaa la sheegey in uu dhigayo in kol kiiba laga dhoofindoono xoolodhan 200.000-laba boqoloo kun oo neef, maamulka kismaayana uu kaqaato canshuurta oo 10$ toban doolar neef kiiba, sidoo kale xoolaha laga dhoofindoono waxa ay ka imaanayaan min gaarisa ilaa agagaarka gobolka Bay taasoo kadhigaysa maxjarkan in uu noqdo kan ugu weyn ee geeska afrika sida qoraalka lagusheegey lama oga waxa kale ee dahsoon ee heshiiskan lagu xusin wallow ay jirto xaalado farabadan oo xagga amniga ah ay adagtahayna in sisahal ah wax walba ay ku soo afjarmaan.

Idale News Online, Kismaayo.