DHAGEYSO Prof. Axmed Muumin Warfaa Oo Ku Dhaliilay Madaxda Sare Dowlada Inay Qeyb Ka Yihiin Dhibaatooyinka Ka taagan Gobolada.

0
228

Lataliyihii hore  Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku dhaliilay qaabka madaxda sare ee  dowlada u wajahayaan wada hadalada iyo dib u heshiisiinta gobolada dalka, qofka masuulka waxaa looga baahan yahay ayuu yiri Prof. Axmed Muumin Warfaa marka lasoo dhirin dhiriyo lasoo bisleeyo heshiiska in uu noqdo qofka ugu dambeeya oo qalinka kujiida ama ogolaada ama diida.

Prof. Warfaa ayaa yiri masuulka sare haduu wada hadalada iyo dib u heshiisiinta uu isaga bilaawo waxa uu noqonayaa qof dhibaatada ama mushkilada qeyb ka ah, hada waxaa muuqata dhibaatooyinka gobolda ka taagan in ay qeyb ka yihiin masuuliyiinta sare ee Dowlada sida madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaaka iyo Ra’iisal wasaaraha taasi ayaan sawab ugu dhigayaa dhibka ka taagan gobolada, mana rawo ayuu yiro Prof. Warfaa in aan kusii dheeraado arinkaan.

[audio:http://arlaadii.net/wp-content/uploads/2014/04/Dhageyso-Prof-Axmed-Mumin-Warfaa.mp3?_=1|autostart=yes]

warsheekh