Muqdisho (INO) Xildhibaan Maxamed Maxamuud Kulalihi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa jirdil kala kulmay madaxtoyada Soomaaliya kadib markii uu iski dayay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii jirdilka ay ugu geysteen ciidamada ilaalada madaxweynaha Soomaaliya isaga iyo qaar ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ciidamada ay u diideen inuu gudaha u gala xafiiska madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu warqabad cabasho ah u gudbiyay si dhibaatada soo gaartay wax looga qabto.
Sidoo kale wariyaasha ayaa jirdilo loo geystay xili ay doonayeen inay xildhibaanka ka duubaan cabashada uu qabo, laakiin laga qaatay agabkii ay ku shaqeynayeen kadibna laga tir tiray dhamaan waxyaabihii ugu duubnaa.
Idale News Oline, Muqdisho