Kismaayo(INO) Saraakiisha ciidamada amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney xaqiijiyeen sugida amniga magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland,taliye ku xigeenka ciidamada booliska degmada Kismaayo Aadan Geelle ayaa sheegay iney si buxda gacanta ugu dhigeen sugidda nabadgalyada magaalada Kismaayo.
Taliye ku xigeenka ayaa tilmaamay in ciidanka ammaanka oo kaashanaya shacabka magaalada ay ku guuleysteen sugitaanka nabadgalyada magaalada Kismaayo,wuxuuna sheegay iney ciidanku 24-ka saac magaalada ka sameeyaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud een magaalada.
Aadan Geelle ayaa sheegay in xaqiijinta ammaanka magaalada ay Juhdi badan ku bixiyeen ,taliye ku xigeenka booliska Kismaayo ayaa sheegay in amniga Kismaayo ay daliil u tahay madaxda tirada badan ee ku halkaasi ku qulqulaya.
Shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayuu ugu baaqay taliye ku xigeenku iney sii laba jibaaraan wada shaqaynta ay xiligan la leeyihiin ciidamada amniga magaalada si loo adkeeyo nabadgalyada magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Taliye Aadan Geelle ayaa intaa raaciyey iney magaalada ka fureen 7 xarumood oo ay ka hawlgalaan ciidanka amniga,maamulka Jubbaland, wuxuuna ka dhawaajiyey iney ka go’an tahay xaqiijinta nabadgalyada guud ee Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inuu ka furmo shirka lagu dhisayo baarlamaanka maamulka Jubballand oo xulistiisu ay halkaa ka socoto.
Idale News Online, Kismaayo.