Nairobi (INO) – Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michele CervoneDurso, ayaa walaac gaar ah ka muujiyay in Maamul Goboleedyada iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ka gaabiyaan dadaalka lagu koontoroolaayo shaqsiyaadka ay usoo xulayaan Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Mr Michele CervoneDurso, ayaa sheegay in walaac uu ka qabo in Baarlamaanka cusub ay kusoo biiraan Unugyo ka tirsan Al-shabaab oo loo muuqaal ekeysiiyay Siyaasiyiin.
Waxa uu sheegay in Argagixisada Somalia ay dheelayaan Siyaasado ka duwan kan ay dheelayaan Madaxda Soomaalida waxa uuna cabsi gaar ah ka muujiyay in Xubno ka tirsan Al-shabaab ay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kan hadda shaqeeya.
Waxa uu sheegay in Argagixisada Somalia ee Al-shabaab aysan ku ekeen kuwa ka dagaalama Gobolada balse ay leeyihiin qeybo farabadan oo garab kusiiya dagaalka ay kula jiraan Dowlada Somalia iyo Caalamka kuwaasi oo ku dhex xidideystay Siyaasada Somalia.
Dowlada Federaalka ah ee Somalia, Maamulada iyo Odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka fiirsadaan shaqsiyaadka ay usoo xulan doonaan xubinimada Baarlamaanka.
“Waa arrin dhici karta in argagixisada ay ku fakiraan in Siyaasada Somalia ay ku dhex yeeshaan xubno ka caawiya macluumaadka iyo halka ay wax marineyso Dowlada kuwaasi waxa ay kamid noqon karaan baarlamaanka imaan doono, waayo qeybaha kale wey ku adkaan kartaa balse baarlamaanka wey adag tahay in laga ilaaliyo haddii uusan jirin feejignaan”
“Kuwa qaska wada wey ka duwanaan karaan kuwa ku sifoobay astaanta lagu garto argagixisada waxa ay noqon karaan kuwa la adeegsanaayo kuwo u muuqaal eg Siyaasiyiin firfircoon ee hadda ku sugan gudaha iyo dibadda Somalia”
Mr Michele CervoneDurso, waxa uu ka digay in la fududeysto soo xulista Xildhibaanada cusub ee imaan doona, waxa uuna ku taliyay in talaabooyinka lagu soo xuli doono ay noqdaan kuwo u muuqda addunka oo aan lala dhuuman si looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida Somalia.
Arragtida Mr Michele CervoneDurso, waxa ay imaaneysaa iyadoo goor sii horeysay ay Beesha Caalamka sheegen in xubno ka tirsan Dowlada Somalia ay xiriir kala dhexeyan Al-shabaab.
Idale News Online, Muqdisho