Daawo Sawiro:Al-Shabaab oo soo bandhigtay sawirro cusub oo argagax leh

0
673

Nairobi (INO) – Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa soo saaray Muuqaal ay kusoo bandhigeen howlgalo iyo dagaalka ay kula jiraan Dowlada Somalia, Maamulada iyo AMISOM.

Maleeshiyaadkaani Dagaal culus kula jirta Dowlada iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay filimka iyo Sawiradda ku soo bandhigayaan dagaalo ay ku qaadeen deegaano ay la wareegeen iyo dagaalo toos ah oo dhacay.

Muuqaalka iyo Sawiradda oo lagu baahiyay baraha bulshada maleeshiyada ayaa la daawan karaan ku dhawaad 40 daqiiqo.

Muuqaalka ayaa waxaa ku jira dilal fool-xun oo ay fulinayaan maleeshiyaadka kuwaasi oo aan ku wacneyn daawashada.

Muuqaalka ayay ku muujinayaan awoodooda iyo qaababka ay ula dhaqmayaan Dowlada, AMISOM, Maamulada dalka.

Muuqaalka qeyb kamid ah waxaa lagu soo gudbinayaa muuqaallo muujinaya Xasan Sheekh, Cabdiwali Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan.

Muuqaalka ayay maleeshiyadu ugu magac dareen “Ruuxii Diintiisa bedela dila” ayaa lagu soo bandhigayaa dagaalladii ay maleeshiyada ku qabsadeen degmooyin iyo deegaano katirsan Shabeelaha Hoose.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Alshabaab1

Alshabaab2

Alshabaab3

Alshabaab4

Alshabaab5

Alshabaab6

Alshabaab7

Idale News Online, Nairobi