Xildhibaano iyo diblomaasiyiin ka hadley xaalada Kismaayo kuna taageeraayey qabashada shirka Arrimaha Jubooyinka oo lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco dhowaan

0
184

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ku qabtay kulan logu taageerayay shirka ka furmaya Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka, laguna soo bandhigayay xaaladaha dhabata ah ee ka jira gobollada Jubooyinka, kadib safaro xildhibaanada ay ku tageen magaalada Kismaayo.

xooshJIbriil

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa inta badan safiirada iyo diblomaasiyiinta wadamada shisheeye u jooga Kenya, iyadoona qaar ka mid ah wax-garadka kasoo jeeda Jubbooyinka ay ku sugaanyeen kulanka.

Xildhibaanadii soo abaabulay kulankan ayaa waxay kala ahaayeen Maxamuud Guure, C/raxmaan Xoosh Jibriil, C/laahi Goodax Barre ,C/laahi Jaamac iyo gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay in ka badan shan iyo toban safaaradood iyo ururo caalami ah oo ay ku jiraan midowga Yurub, kuwaas oo si weyn utaageeray dadaalka xildhibaanada ee ah taageerada shirka arrimaha Jubooyinka ee Muqdisho iyo hergelinta dastuurka dalka uyaala.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dowlada aysan kasoo horjeedin qabiil gooni ah balse uu waajib ka saaranyahay in la ixtiraamo dastuurka, dadka deegaankana laga wada qeyb geliyo arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro xal waara.

C/Raxaan Xoosh oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowlada ay u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro muranka ka jira Jubbooyinka, ayaa sheegay in nidaamkii loo maray dhisida maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe uusan ahayn mid sharci ah maadama aysan ku lug lahayn dowlada dhexe, waxaa uu taa badalkeeda qeexay in wadani Soomaaliyeed uu yahay Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ahna gudoomiyaha Guddiga difaaca Baralamaanka Xuseen Carab Ciise oo ka jawaabayay su,aalo ay weydiiyeen qaar ka mid diplpmaasiyiintii kasoo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dowlada aysan marnaba caqabad ku ahayn hormarka dadka degaanka, balse ladoonayo in qaab waafaqsan sharciga loo maro dhisida mamulada,si khilaaf iyo dagaal qabiileed looga fogaado.

Xildhibaanada,Diplomaasiyiinta iyo dadkii kale ee ku sugnaa madasha ayaa sua,aalo ku aadan arrimaha Federaalka isweydiiyay, iyadoona xildhibaanadu ay ahaayeen dadkii ka jawaabayay dhamaan su,aalaha kasoo qeyb galayaasha.

Xildhinaabada ayaa ugu mahadceliyay ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM caawinta ay siinayaan dowladda, iyagoona intaas ku daray in hadii ay yihiin xildhibaanada ay dhex-dhexaad ka yihiin arrimaha Jubbooyinka iyo dhamaan xiisadaha dalka Jira.

Wasiirkii hore ee qorsheynta hadana ah xildhibaan ka tirsan dowlada C/laahi Goodax Barre ayaa ku booriyay dhamaan umadda Soomaaliyeed in ay iska ilaaiyaan khilaafaadka taa badalkeedana ay ugudbaan ka shqeynta maamul goboleedyo nabada ku dhisan taageersana dowladda Federaalka.