Ra’iisul Wasaare Saacid oo soo dhaweeyey go’aanka Qaramada Midoobey ee Xasilinta Jubooyinka

0
179

Ra’iisul Wsaaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ku taageereen dadaalka dowladdu ugu jirto xasilinta deegaanada Jubooyinka.

prime Minister Saacid
“Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa warka ka soo baxay QM ee ay ku muujiyeen taageeradooda iyo sida ay u garab-taagan yihiin hawsha dib-u heshiisiinta iyo federaalaynta ee ay dawladdu hormuudka ka tahay,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha Amaanka ee QM uga mahad-celiyay doorkooda suuban ee ay ku taageerayaan nabadaynta dalka iyo sida ay go’aanka cad uga qaateen cid kasta oo caqabad ku ah xasilinta dalka.

“Waxaan Golaha Amaanka uga mahad naqayaa mawqifka cad ee ay nagala qaateen kuwa caqabada ku ah dib-u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, gaar ahaan masiirka gobolada Jubbooyinka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in xalka Jubooyinka iyo dalka intiisa kalaba uusan ku jirin qori caaradiis ee xalku ku jiro wada xaajood iyo in la helo isku tanaasul bulshada dhexdeedaa.

Warbixintan ayaa Golaha Amaanku ka soo saareen xaalada Jubboyinka iyo xasilinta dalka guud ahaan, kadib markii uu golaha u warbixiyay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM mudane Taye-Brooke Zerihoun.

Golaha Ammaanka ayaa warbixintan ku sheegay sida ay bulshada caalamka uga go’an tahay inay tilaabo ka qaadaan cid kasta oo hor-istaagta ama caqabad ku noqota xasilinta iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya.

Go’aanka golaha ammaanka ayaa waxay ku cadeeyeen sida ay ugu walaacsan yihiinx aalada amniga ee Jubooyinka, iyadoo dhinaca kale muujiyay inay taageerayaan doorka dowladda ee ku aadan arrimaha Jubooyinka inay ku xasiliso, isla markaana kaashaneysa go’aamadii IGAD iyo Xafiiska UNSOM.

Idale News ONline Mogadishu, Somalia