Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa maanta ka soo dagatay diyaarad xubno xildhibaano dhowlada federaalka ka tirsan oo uu hor kacayay Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig, oo kamid ah xildhibaanada Baarlaamaanka Sooomaliy, Shacab iyo maadax ka tirsan maamulka jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka xildhibaan Xidig.
Kulan ayey wada qaateen madaxda maamulka Jubbaland ee soo dhaweeyay Xildhibaan xidig, asagoo loo galbiyay xarunta Jaamacada Kismaayo halkaas oo ah goob ay ku sugan ku dhawaad 500 ergo oo ah kuwii soo iyo dhisay maamulka Jubbaland.
Shacab ku lebisan calanka Jubbaland caleemo qoyan ayaa gaoroonka ku soo dhaweeyay Xildhibaanka, asagoo loo dhiibay calanka Jubbaland iyo kan Soomaliya, hadal kooban oo uu yiri xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo xildhibaan Xidig, ayuu ku macneeyay ujeedka safarkiisa mid u kuur galid xaalada Jubbaland iyo sidoo kale xiriiro uu doonay in uu la sameeyo bulshadad rayidka Kismaayo.
Xildhibaan xidig waxaa uu kamid yahay xildhibanada Soomaaliyeed ee ka soo joodo deegaanada Jubbaland, Madax uu kamid yahay gudoomiyaha dagmada Kismaayo ee maamulki ku meel-gaarka ah Cabdulaahi Khaldaan iyo afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax kamid ayaa ayahaa madaxdii soo dhaweysay safarka uu kismaayo ku gaaray Xildhibaan Xidig.
Imaanshiyaha xubanaha uu hor kacayo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ku soo aadeyso xili madaxda Jubbaland ay wadaan dadaalo ay ku soo dhameystirayaan xubnaha maamulka Jubbaland